U bood dhigaalka

Doorashada 2020: 10 Shaqo Oo Ku Tusinaya In GMDQ Ay Doorasho Ku Qaban Karaan 16 Bil Gudaheed

Sheeko:Dalka

Guddida madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka ee u xilsaaran maamulida iyo maareynta doorashooyinka Soomaaliya ayaa diyaar u ah iney qabtaan doorasho qof iyo cod ah 16 bil gudaheed, hade waa doorasho ka dhacdo dalka oo dhan oo ay ka qeybgalayaan 5 Milyan oo qof.

Guddiga waxaa ay goob walb ku soo bandhigeen, mas’uuliyiinta kala duwan iyo shacabkana tuseen  shaqada ka socota xarunta guddiga, waaxyada kala duwan sida: Sharciyada, wacyigelinta, hawlgalka iyo maaliyadda iyo iney diyaar yihiin dhammaan sharciyadii, qorshihii, tababaradii loo baahnaa, qaabka diiwaangelinta, qorshaha ololaha, goobaha codbixinta, xaqiijinta natiijada iyo xataa talaabooyinka doorashada kadib.

Haddaba Halkan Ka Akhriso Toban(10) Shaqo Oo Ku Tusinaya Diyaar-garowga Guddiga Doorashada:

1. Waaxyaha: Shaqada waaxyada kala duwan guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa la qabtay 100% haddii ay tahay hawlgalka, wacyigelinta iyo sharciyada.

2. Wacyigelin: Guddiga Doorashada waxaa uu tagay, oo bulsho iyo madaxba uu kula kulmat 24 degmo, ugu yaraan 4 degmo ayuu ka tagay 5-ta dowlad goboleed, 100 kulan ka badan ayey ahaayeen, isaga oo gudbiyey fariimo dhinac walbo ah, coddheerna ku sheegay iney diyaar u yihiin qabashada doorashada 2020-ka.

3. Goobaha Doorashada: 1005 goob ayaa la asteeyey ilaa hadda oo ka mid ah deegaannada Koonfur galbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo Banaadir, waxaa socoto Jubbaland iyada oo ay harsan tahay Puntland oo keliya.

4. Nidaamka Diiwaangelinta: Guddiga waxaa uu go’aamiyey in nidaamka ku haboon diiwaangelinta uu noqdo BIOMETRIC.

5. Diiwaangelinta: Guddiga doorashada waxaa uu qorsheeyey waqtiga uu u baahanyahay bilowga diiwaangelinta codbixiyaha ilaa bixinta kaarka, dhammaan hawshaas waxay ku qaadan-doontaa 3 bil, iyaga oo xataa si wacan u qeexay diiwaangelinta kadib sida xog uruurin, kala soocid, soo bandhigidda liiska horudhaca ah iyo qeybinta kaararka.

6. Xeernidaamiyeyaal: Qeybtan waxaa ka mid ah wacyigelinta codbixiyaha, diiwangelinta, maamulka xisbiyada, maaliyadda xisbiyada, maamulka doorashada, xalinta khilaafaadka doorashada iyo arrimo kale.

7. Xeerarka Hab-dhaqanka:  Waxaa ka mid ah hawlwadeennada GMDQ, xisbiyada iyo musharaxiinta, saxaafadda, korjoogtada doorashada.

8. Habraacyo: Waxaa qeyb ka ah midowga iyo isbaheysiga xisbiyada, dhismaha madasha xog isweydaarsiga iyo wadatashiga guddiga iyo xisbiyada

9. Maalgelinta Doorashada 2020: Guddiga iyo hey’adaha doorashada ku shaqada leh waxaa ay isla meel dhigeen lacagta doorashada 2020-ka ku baxeyso oo gaareysa  ilaa 55 Milyan oo Doolar ah.

10. Shaqaalaha: Guud ahaan shaqaalaha loogu talogalay iney shaqada doorashada qabtaan bilow ilaa dhammaad waa 5,000.

Haddaba, iyada oo guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka diyaariyey wax walbo oo dhankooda ah ayaa waxaa jiro caqabado iyaga ka baxsan, oo la’aantood aaney dhici karin doorashada la filayo 2020-ka.

3 Arrin Oo Doorashada Ku Qabsoomi Karto:

1. Sharciga Doorashada: Sharciga oo muhiim u ah qabsoomidda doorashada 2020-ka, waxaa uu hadda horyaallaa golaha shacabka ee BF, dedejinta sharciga waxaa ay sahli-doontaa in si dhaqso ah wax loo qabto, sharciga waxaa sidoo  kale oo ku xiran Xeernidaamiyeyaal, Hab-dhaqan iyo Hab-raacyo muhiim u ah doorashada 2020-ka.

2. Amniga: Goobaha doorashada 2020-ka ay ka dhaceyso iyo dadka codeynaya waxaa ay u baahan yihiin amni, qaar ayaa go’doonsan, taasi oo ay tahay iney ka wada shaqeeyaan AMISOM iyo dowladda federaalka ah, waana in ciidamo gaar ah arrinkaas loo xilsaaro, haddii ay dhici weyso waa adkaan doontaa doorashada 2020-ka.

3. Heshiis Siyaasadeed:  Waxaa dhibaato ka jirtaa nooca doorashada, oo waxaa jira khilaaf xoogan oo siyaasadeed oo ku aadan midka la qaadanayo “hal deegaan doorasho oo dalka oo dhan ah mise in lagu saleeyo dowlad goboleed”, taasi oo u baahan heshiis siyaasadeed. Dastuurka, amniga, xuduudaha iyo arrimo kale oo waxaa jiro u xayiran heshiis ay gaaraan dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada la’aantoodna aaney dhici karin doorashada 2020-ka.

W/ D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,  Email: [email protected]

Goobjoog News