U bood dhigaalka

Doorashada 2020: Wax Ka Baro Wanaagga Iyo Xummaanta Nooca Doorasho Ee “Proportional Representation”

Sheeko:Dalka

Sida lagu go’aamiyay shirkii amniga ee Baydhabo, Soomaaliya 2020-ka waxaa ka dhaceysa dooraasho nooca loo yaqaano PR ama “(proportional representation-closed list)”.

Nidaam-kan doorasho waa nidaam xisbi ah, waa nidaam qof iyo cod ah, waxaa lagu doortay golaha baarlamaannada in ka badan 90 dal oo caalamka ah, waxaa lagu maamulaa dalal badan sida Ciraaq, Turkiga, Jarmalka, Spain, Lebnon, Brazil, Argentina, Angola, Algeria, Mozambique, Namibia iyo South Afrika ayaa isticmaalo.

Nidaamkan “Proportional Representation”, waa mid sahlan oo inta badan cod-bixiyaha waxaa uu dooranayaa xisbiga, taasi oo fududeyn karta in la ogaado xisbiga aqlabiyadda leh ee doorashada ku guuleystay gaar ahaan goobta ay cod-bixinta ka dhacday.

Arrinta kale oo uu nidaamkan doorasho ee PR-ka ku fiican yahay waxaa ka mid ah: xisbiga dhex-diisa waa fududahay in la hubiyo Saami qeybsiga, Metelaada dadka laga tirada badanyahay iyo kootada haweenka.

Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa, waxyaabaha uu ku wanaagsan yahay midaam-kan doorasho “Proportional Representation” iyo waxa uu ku xun yahay.

Waxyaabaha uu ku Wanaagsan yahay Nidaamkan Doorasho ee “proportional representation” waxaa ka mid ah:

  1. Saami qeybsi
  2. Wadajirnimo
  3. Metelaada dadka laga tirada badanyahay
  4. Codadka qasaara oo yaraada
  5. Dumarka oo ay u fududaato in la doorto
  6. Xuduudeeynta oo aan ku xirneyn qabashada doorashada
  7. Looma baahna in lasameeyo doorasho ku celin
  8. Dadka maqan ayay fursad ay ku codeeyaan ayay siisaa
  9. Xadidaa in halkii deegaanba lahaado hal xisbi
  10. Dad badan oo codeeya

Waxyaabaha uu Ku Xun yahay Nidaamka Doorasho Ee “proportional representation” waxaa ka mid ah:

  1. Metelaada juqraafi oo aad liidata
  2. Arrimaha isla xisaabtanka oo aan muuqan
  3. Nidaamaydaa Madaxweynaha ayaa u badan taageero dhanka shuruucda iyo dejintooda oo aad u hooseysa
  4. lsbaheysidda ama dowladaha laga tiradda badan yahay ayaa u badan
  5. Nidaamyadda baarlamaanka leh
  6. Awooda badankeeda oo xisbiyada la siiyo
  7. Keeni karaa in xisbiyadda xagjiriinta ah lagu daro qaab-dhismeedka shuruucda
    In uusan awood u laheyn inuu xisbi awooda ka tuuro 

Goobjoog News,