U bood dhigaalka

Doorashadii Aqalka Hoose oo Maanta Ka Qabsoontay Xarunta Gaadiidka ee Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa si habsami leh uga socota magaalada Muqdisho doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyadoo maanta la doorto xubno cusub oo ka mid noqonaya baarlamaanka federaalka.

Xarunta doorashada magaalada Muqdisho ee Gaadiidka ayaa waxaa maanta lagu doortay 3 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Somaliland ee 47 xildhibaan ee u matalidoona baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

 Xubnaha Maanta la Doortay:

1-Muuse Ismaciil Jamac 47, Faadumo Nuur 2 cod, 1 halbaey

2-Fowsiyo Yusuf 45, Caasho Aden Yusuf, 2 rag ah oo kale ayaa ka maqnaa, midkood Hal cod ayuu helay.

3-Cabfitax Ismacil Daahir 46, 3 kale, labo gabdhood Eber, Ridwaan doorashada kama qeybgelin.

Doorashada aqalka hoose ee Somaliland waxaa ka harsan 10 kursi oo qura, iyadoo dhanka kale Todobaadkan gudahiisa la filayo in ay dhacdo doorashada xubnaha aqalka sare ee Somaliland.

Goobjoog News