U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Hoose: 4 Kursi Oo Maanta Lagu Dooranayo Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu doorto Afar Kursi oo kamid ah kuraasta aqalka hoose gaar ahaan kuwa kusoo aadey gobollada Waqooyi ee dalka.

Kuraasta maanta la dooranayo waxaa Labo kamid ah u tartamaya Haween oo kaliya, waxaana guud ahaan musharraxiinta maanta tartami doonta wadartoodu gaareysaa 11.

Xildhibaannada la doortey ee gobollada Waqooyi (Somaliland) waa 30, haddii 4-ta kursi ee doorashadooda dhaceyso lagu daro waxay noqon doontaa 34- kursi.

Saami qeysiga gobollada waqooyi ee xildhibaannada aqalka hoose ka heleen waa 46 kursi, waxaana u hari doona haddii maanta doorashadan dhacdo 12-kursi oo kaliya.

Hoos ka akhriso shaxda doorashada maanta

d1

Goobjoog News