U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Hoose Oo Aan Ka Socon Baydhabo

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta la soo sheegayaa in aynaan ka jirin doorashada aqalka hoose.

Maalmahan magaalada Baydhabo waxaa ka socday doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka waxaana lagu soo doortay inta badan tiradii la qorsheeyay inay ka yimaadaan Koonfur Galbeed.

Illaa hadda waxaa lagu doortay Baydhabo 67 xildhibaan oo isugu jira rag iyo dumar waxaan adhiman oo kaliya labo xildhibaan doorashadooda maadaama wadarta guud ay tahay  69 xildhibaan.

Guddiga doorashada xubno ka tirsan ayaa Goobjoog News ka soo xigatay in maanta lagu mashquulsan yahay sameynta kaararka ergada dooranaysa labada kursi.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan si weyn looga dareemayaa doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana magaalada ku sugan ergo ka kala yimid degaannada kale ee Koonfur Galbeed sida gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhanka kale, magaalada Cadaado ayaa iyana aynaan ka jirin doorashada aqalka hoose.

Wariyaha Goobjoog News ayaa soo sheegaya in doorashada la hakiyay oo aysan socon hase yeeshee guddiga doorashada ee heer federaal iyo heer gobolba aysan wax war ah ka soo saarin waxa horey ay ugu sii socon la’dahay doorashada.

Goobjoog News