U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Hoose Oo Baydhabo Ka Socota

Sheeko:Baarlamaanka

Doorashada aqalka hoose ayaa ka billaabatay goor dhow magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Maanta ayaa lagu wadaa in seddex kursi lagu doorto magaaladaasi kuwaasoo kamid noqon doona golaha shacabiga cusub ee dowladda soo socota.

Codeynta kursiga koowaad ayaa billowday  waxaana xarunta doorashada oo ah madaxtooyada Koonfur Galbeed xaadir ku ah ergada maanta wax soo dooranaysa seddexdani kursi.

Magaalada Baydhabo ayaa qorshaha uu yahay in lagu soo doorto 69 xildhibaan waxaana hadda ay maraysaa howshaasi meel gebagebo ah.

Goobjoog News