U bood dhigaalka

Baydhabo: Doorashada Aqalka Hoose Oo Socota

Sheeko:Baarlamaanka

Doorashada Aqalka Hoose Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Hadda Ka Billaabatay Magaalada Baydhabo, Baay

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka socota doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada oo goor dhow billaabatay ayaa waxaa socda tartanka loogu jiro kursiga koowaad waxaana ku tartamaya Macallin Cali Aadan iyo Maxamed Aamooy Isaaq.

Musharrixiinta kala ah Axmed Xaaji Maxamed, Ugaas Isaaq Cali  iyo Cabdulqaadir Xuseen Xasan ayaa ku tartamaya iminka kursiga labaad hoolka doorashada ee Baydhabo.

Maanta ayaa Baydhabo lagu dooranayaa illaa seddex xildhibaan.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News