U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Hoose Oo Cadaado Ka Socota

Sheeko:Baarlamaanka

Doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee ka imaanaya degaannada Galmudug ayaa ka socota magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Mudanayaal gaaraya illaa sagaal ayaa qorshaha uu yahay in maanta lagu doorto magaalada Cadaado iyadoo labadii maalin ee la soo dhaafay uu dib u dhac ku yimid doorashada.

Labo mudane ayaa lagaga dhawaaqay xarunta doorashada Cadaado inay ku guuleysteen in ay kamid noqdaan baarlamaanka Soomaaliya ee cusub.

Mudanayaashani ayaa kala ah wasiirkii hore ee warfaafinta dowladda Musfat Cali Dhuxulow horayna uga mid ahaa xildhibaannada federaalka kadib markii uu u tanaasulay Cabdiweli Nuur Faarax oo la tartamayay.

Waxaa sidoo kale isna soo baxay Xuseen Qaasim Yuusuf kadib markii uu u tanaasulay musharrixii la tartamayay ee Shire Macallin Gaab.

Doorashada ayaa weli ka soconaysa xarunta doorashada Cadaado ee aqalka hoose lagu soo dooranayo.

Xaaladda ayaa aad uga duwan sidii hore waxaana jira cabashooyin iyo khilaafyo ka dhex abuurmay beelaha qaarkood.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News