U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Hoose Oo Dib Uga Dhici Doonta 10-ka November

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa maalmahan waxaa ay safarro ku marayaan caasimadaha maamul goboleedyada dalka, Hirshabeelle ayaa noqon doona maamulka ugu dambeya oo ay tagayaan iyaggoo lugta safarkooda u kala hormariyay sidan: Koofur Galbeed, Jubbaland, Puntland, Galmudug iyo Hirashabeelle.

Wareysi gaar ah oo afhayeenka guddiga Keynaan Maxamed uu siiyay Goobjoog News waxaa uu ku sheegay in doorashada aqalka hoose la soo gabagabeeyn  doono ka hor November 25-keeda, iyagoo safarka ay gobollada ku tagayaan kadib ku dhawaaqi doono xilliga rasmiga ah ee ay bilaaban doonto doorashada aqalka hoose.

Beelaha loo yaqaano 4.5, waxaa ay ku jiraan hurdo la’aan, Odoyaal, Murashaxiin iyo ergooyin ayaa is dhex ordaya, is-reeb-reebka doorashada waxaa ay gaartay in qoryo la isu qaato, cabashooyinkii ugu badnaa ayey sheegayaan guddiga khilaafaadka, 1219 cabasho ayaa soo gaartay guddigan ka hor inta aaney bilaaban doorashada aqalka hoose iyo midda madaxweynaha.

Maamul goboleedyada waa ku kala horeeyaan diyaar-garowga doorashada, Jubbaland ayaa kaalinta koobaad ku jirta, Koofur galbeed ayaa ku xigta, Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ka jira is-qab-qabsigii ugu darnaa, Somaliland warkeeda lamaba hayo oo waxaa uu mugdi ku jiraa sida ay wax u rabaan.

Haddaba halkan hoose ka akhriso sida beelaha  maamullada ay u diyaar-garoobeen: 

Koofur Galbeed:

beelaha deggan koofur galbeed, waxaa ay u diyaar-garoobeen doorashada aqalka hoose, waxaana la sheegayaa in ay yihiin beesha ugu badan ee haweenka qoondo siiyay, 12 kursi ayey guddiga doorashada sheegayaan in haweenka koofur galbeed laga siiyay aqalka hoose.

Dhinaca kale sida Wariyaha Goobjoog News ee gobolka uu ku waramayo waxaa jira muran u dhaxeeyay beelaha koofur galbeed oo ku saabsan murashaxiinta iyo ergada intaba, waxaa kaloo uu sheegay  in mid ka mid ah beelaha oo Xildhibaannimada isku heysta ay is-rasaaseeyeen iyagoo iska dilay min labo qof.

Koofur Galbeed beelaha dega waxaa laga rabaa 69 Xildhibaan, doorashada waxaa ay ka dhici doontaa magaalada Baydhabo, lamana oga goorta ay doorashada bilaaban doonto.

Jubbaland:

Guddiga doorashada waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in Jubblanad ergada iyo murashaxiinta intaba ay diyaar yihiin, iyagoo intaa ku daray in 9 kursi ay siiyeen haweenka aqalka hoose, magaalada Kismaayo waxaa lagu soo xuli doonaa 39 Xildhibaan.

Inta badan beelaha Jubbaland dega waxaa ay gudbiyeen murashaxiinta iyo ergada doorashada, Jubbaland waxaa ay noqoneysaa maamulka ugu cabashada yar xagga beelaha iyo maamul goboleedyada dalka ka jira, sidaa waxaa Goobjoog News u xaqiijiyay guddiyada doorashada ee heer federal iyo mid gobol. 

Galmudug:

Maamulka Galmudug waxaa uu noqday maamulkii ugu horeeyay ee sanadkan Xildhibaanno doorta kadib markii bishii October 15-keeda ay doorteen aqalka sare, lama oga in mar kale ayaa noqon doonaan maamulka doorta aqalka hoose iyo in kale, waxaa Cadaado lagu dooran doonaa ilaa 36 Xildhibaan.

Yuusf Diiriye Maxamuud  afhayeenka guddiga doorashooyinka daban ee Galmudug oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in  si wanaagsan ay ku qabsoontay doorashadii 8-da xubnood ee aqalka sare, midda soo socotana ee aqalka hoose ay si habsami leh u dhici doonto, inta badanna loo soo gudbiyey liiska ergada doorashooyin, inkastoo ay jiraan beelaha qaar oo aan weli liiskooda soo gudbin.

Imaam Cumar Macalin Abshir wuxuu isna kamid yahay 135 oday dhaqameed ee kaalinta weyn ku leh howlaha doorashooyinka, wuxuu walaac ka muujiyey galaangalka siyaasiyiinta iyo musharraxiinta xil doonka ah, wuxuuna sheegay in ay kaalin ku leeyihiin xubnahaasi daaha soo gudbinta ergada doorashooyinka.

Galmudug weli ma cadda inta kursi oo ay haweenka siiyeen, Laakin guddiga doorashada dadban waxaa ay sheegeen in ay maamulka iyo beelaha kala hadli doonaan ammaanka doorashada iyo kootada haweenka.

Puntland:

Garoowe waxaa ku sugan Murashaxiinta iyo ergadii dooran laheyd, iyadoo hadda la sheegayo in Puntland ay diyaar u tahay doorashada aqalka hoose, Garoowe waxaa lagu dooran doonaa 35 Xildhibaan.

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer gobol gaar ahaan Puntland ayaa waxaa uu sheegay in ay gacanta ku hayaan 12 kursi oo ka mid ah kuraasta Puntland ay ku leedahay aqalka hoose, isla markaana doorashada qeybtan hore la soo gaba-gabeyyn doono 6-da bisha November.

Dhinaca kale, Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa amray in la joojiyo diiwaangelinta doorashada Puntland, arrintan ayaa timid saacado uun kadib markii guddiga doorashada heer maamul goboleed ay sheegeen in 12 beelood ergadooda la diiwaangelin doono.

Beelaha qaarkood ayaa dacwo u gudbiyay guddiga khilaafaadka iyagoo sheegay in aaney ku qansaneen sida odoyaasha wax u xuleen.

Beelaha ayaa waxaa ay guddiga u sheegeen in la iska indho tiray magacyada ay beelaha soo gudbiyeen, lana qaatey midda ay odoyaasha jeebka kala soo baxeen.

Haweenka ayaa la sheegayaa in Puntland ay ka heleen ilaa 7 xubnood, guddiga doorashada ayaa lagu wadaa in ay kala hadlaan Puntland sidii tiradaas loo badin lahaa.

Hirshabeelle:

Maamulka ugu cusub ee Hirshabeelle weli ma sameyn aqalka sare, ergada beelaha degan Hirshabeelle waxaa ay badankood joogaan Muqdisho iyo goobo kale, Jowhar waxaa lagu dooran doonaa inaa 37 Xildhibaan.

Guddiga doorashada oo maalmaha soo socda tagi doona Jowhar waxaa ay sheegayaan in Hirshabeelle ay dib u dhigi doonaan doorashada aqalka hoose, si marka hore ay u dhacaan doorashada aqalka sare, guddiga ma sheegi xiliga ay dhici doono doorashada aqalka sare ee Hirshabeelle.

Somaliland:

Waxaan weli war laga heyn doorashada labada aqal ee Somaliland oo lagu wado in ay ka dhacaan magaalada Muqdisho, 11 Xildhibaan oo aqalka sare ah iyo 47 Xildhibaan oo aqalka hoose ah ayaan la ogeyn sida loo dooran doono

Odoyaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi waxaa u socda shirar aan kala go laheyn, laakin waxaa su’aal ka taagan tahay xiliga ay qaban doonaan doorashada aqalka hoose iyo midd aqalka sare.

Ugu dambeyn, guddiga doorashada dadban waxaa ay Goobjoog uga warameen doorashada guud ahaan iyagoo sheegay in ay ka walaacsan yihiin Laaluush-ka waxaa uu leeyahay waxaa jiro dad lagu xiray in ay warqad kala yimaadaan hay’adaha Nabad sugidda oo lacago laga qaatay arrinkaas oo ay ku guda jiraan.

Handadaada lagu hayo ergada waxaa uu sheegay in ay jiraan dad lagu bar tilmaameedsaday murashaxnimada sida ka dhacday South west  oo gabar la weeraray, xildhibaan

Goobjoog News