U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Hoose Oo Jowhar Ka Socota

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Jowhar waxaa ka billaabatay hadda doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Doorashada aqalka hoose ee Jowhar oo maanta lagu dooranayo hal kursi oo kaliya kaasoo ay ku tartamayaan illaa afar haween ah.

Afarta haween ee u tartamaya halka kursi ee baarlamaanka federaalka ayaa kala ah Maryan Cabdullaahi Hilowle, Faaduma Faarax Ibraahim, Nadiifa Maxamed Cismaan iyo Sacdiyo Muumin Cumar.

Codeynta wareegga koowaad ayaa socota waxaana loo badinayaa in wareegyo kale ay isla gaaraan haddii natiijada ay iska ag dhowaadaan seddex qof ama labo qof.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo ayaa iyana la filayaa inay maanta ka dhacdo doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News