U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Hoose Oo Maanta Ka Billaabanaysa Jowhar

Sheeko:Baarlamaanka

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Jowhar maanta ayaa qorshaha uu yahay in doorashada aqalka hoose ay ka billaabato magaaladaasi.

Doorashada aqalka hoose ee ka billaabanaysa Jowhar ayaa lagu soo dooran doonaa 37 mudane oo ka imaanaysa dhanka maamulka Hirshabeelle.

Guddiga doorashada dadban ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ayaa ka dhawaajiyay in maanta kaliya la dooran doono 13 kursi xildhibaannadooda.

Diyaargarowga doorashada ayaa ka soconaysa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaana qorshaha uu yahay in galinka dambe ee maanta ay billaabato sida uu soo sheegayo wariyaheenna Goobjoog News ee magaaladaasi.

Doorashada aqalka hoose ayaa horey uga billaabatay magaalooyinka dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News