U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Sare Ee Gobollada Waqooyi Oo Bilaaban Doonta Sabtida

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada gobollada waqooyi ayaa sheegay in 24-ka bishan oo ku beegan sabtida ay bilaaban doonto doorashada aqalka sare ee gobollada waqooyi.

Afhayeenka guddiga doorashada  gobolladaas Cabdirasiq Ismaaciil Cabdi oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay waxaa uu sheegay in maalinta ugu horeysa ee sabtida la dooran doono 6 ka mid ah 11 kursi ee aqalka sare.

Cabdirasiq Ismaaciil oo sidoo kale ka hadlayey guud ahaan doorashada gobollada waqooyi waxaa uu sheegay in doorashada aqalka hoose xubnaha haray la dhameystiri doono maalmaha soo socda.

Wararka doorashada labada aqal ee gobollada waqooyi kala soco Goobjoog News

Goobjoog News