U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Sare Oo Ka Billaabatey Cadaado (Sawirro)

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug waxaa hadda si toos ah uga billowday codeynta doorashada xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya Galmudug.

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa kala dooranaya xubnaha uu soo gudbiyay madaxweynaha maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Xubnahani u tartamaya aqalka sare waxaa ay kala yihiin:aqalka-sare-magacyo

 

 

 

 

Doorashada ayaa ah mid socota, iyadoo la filayo in maanta xubnaha aqalka sare ee dhanka Galmudug la doorto, inkastoo musharraxiinta badan yihiin.

Waxaa suurtagal ah in doorashada xubnahan dhammaantood maanta dhicin, oo qaarkood dib loo dhigo.

Waxaa xildhibaannada Galmudug ee wax dooranaya loo akhriyey shuruucda ay ku dooranayaan xubnahay aqalka sare.

Maamulka Galmudug ayaa kamid ah Saddex maamul goboleed oo dib loogu celiyay liiska aqalka sare kadib markii la sheegay in aysan caddeynin qoondada haweenka oo horey loogu heshiiyay in la siiyo 30%.

Hoos ka arag sawirada

c1 c2 c3 c4 c5 c6 c7 c8 c9

Goobjoog News