U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Sare Oo Maanta Lasoo Gabagabeynayo

Sheeko:Amniga

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta hoolka weyn ee baarlamaanka dowlad gobaleedka Galmudug lagu doorto laba ka mid ah kuraasta aqalka sare maamulka galmudug uu ku yeelanayao.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa dhawaan shaaciyay musharixiinta laba kursi oo ka dhineyd kuraasta dowlad gobaleedka Galmudug.

Labada kursi ee saaka la dooranayo ayaa sidoo kale noqoneysa labada kursi ee ugu dambeysa doorashada Aqalka sare ee baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tartamaya labada musharax ee kala ah Cabdi Xasan Cawaale(Qaybdiid) iyo Cawil Nuur Cali, halka kursiga kale ay ku tartamayaan musharixiinta kala ah Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Goobjoog News