U bood dhigaalka

Doorashada Farmaajo Kadib, Shaqaalaha Rayidka Ee Dowladda Weli waa Tiradii uu Ka Tagay Xasan Sheekh!

Sheeko:Dalka

Miisaaniyadda cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya u ansixisay sanadka 2019-ka waa US$ 340,060149, ilaa 94 milyan oo dolar ayaa ku siyaaday miisaaniyadda wixii ka dambeeyey doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee February 8, 2017.

In kasta oo ay muhiim tahay halka laga keenayo dakhliga miisaaniyadda hadana inta badan waxaa la fiiriyaa Shaqaalaha iyo mushaarkooda, lacagta loo qoondeeyey horumarka dalka iyo dadka, waana labada meel ee uu aad uga liito maamulka hadda jira.

Shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka ah oo ka kooban heerarka A, B, C iyo D,  waxaa ay qeyb muhiim ah ka yihiin miisaaniyadaha dowladda Soomaaliya, waxaa la yaab leh in shaqaalaha joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay tiro ahaan gaarayaan 5,526 oo ah tirada uu ka tagay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud 2016-kii.

Xukuumadda nabad iyo nolol 2badii sano oo ay joogtay kuma kordhin shaqaalaha rayidka ah xataa hal qof, waxaa ay qoratay oo keliya shaqaalo KMG ah, oo ku nool gunno ay ka helaan meelaha ay u shaqeeyaan, kuwaas oo qeybo badan oo ka mid ah lagu dhibo, mana laha meel ay u dacwoodaan, mar haddii aysan aheyn shaqaale joogta ah.

2012-kii, Markii uu xafiiska yimid madaxweyne Xasan Sheekh waxaa aad u yaraa shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya, miisaaniyaddii ugu horeysay ee baarlamaan ansixiyo buburkii kadib waxaa ansixisay dowladda Xasan Sheekh,  Miisaaniyadda oo gaareysay 114,355,852 wuxuu shaqaalaha rayidka gaarsiiyey ilaa 3060, oo 2901 ka mid ah ay yihiin shaqaalaha qoran oo rasmi ah, sidaas ayaana sanad walba loogu daray shaqaale cusub ilaa ay gaareen 2016-kii 5,526, tiradaas oo weli sideedii ah.

Shaqaalahaas aan tiradooda soo sheegnay ilaa iyo hadda waa sidoodii iyaga oo kala leh heerarkan Garade (A): 2502, (B): 1527, (C): 995, (D) 502, waxaana muuqata in maamulka Farmaajo uu ku guuldareystay qorashada shaqaaleysiinta.

Qeybo ka mid ah tiradaas yar ee u diiwaan-geshan shaqaalaha joogtada ah xataa ma helin xuquuqdoodii muddo 9 bil ah, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Xaqiiq kale oo aan la inkiri karin ayaa ah in mashruuca ay gunnada ku qaataan shaqaalaha KMG ah ee ay qoratay dowladda Farmaajo laga bixiyo barnaamijka Recurrent Costs and Reform Financing Project, kaas oo ah mashruuc uu bangiga adduunka ogolaaday markii ugu horeysay xiligii dowladdii Xasan Sheekh July 1 ilaa December 31, 2014, waxay aheyd sidoo kale markii ugu horeysay ee bangiga adduunka iyo IMF-ta la shaqeeyaan dowlad Soomaaliyeed, horumarkii la smaeeyey wixii xilligaas ka dambeeyey ayaa keentay in arbacadii ay labada dhinac kala saxiixdaan $80 Million.

ilaa hadda xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa ay jawaab u la’dahay sababta ay u qoran la’dahay shaqaale cusub iyo sababta ay shaqaalaha KMG ah uga biilaan mashruuc loogu talo-galay in lagu shaqaaleeyo khubarada, dadka awood siinta ku shaqada leh, kuwaas oo ay aheyd in dowladda Soomaaliya qaabab kale uga faa’ideysato!!

Goobjoog News