U bood dhigaalka

Doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS oo Lasoo Dhameystiray

Sheeko:Baarlamaanka

Doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lasoo dhameystiray, kadib markii la doortay Labadii Xubnood ee ka harsanaa Golaha.

Labada Kursi ee harsanaa ayaa waxaa ku kala guuleystay Bilaal Idirs Cabdullaahi iyo Siciid Cabdi Xuseen oo ku soo baxay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Bilaaal Idiris Cabdullaahi ayaa helay codod gaaraya 23 cod, hala Faysal Xuseen Daahir oo la tartamayayna uu helay 15 cod, waxaan goobta soo xaadirin Ibraahim Maxamuud Cabdi oo tartanka ku jiray, halka Khadar Cabdullaahi Idir uu u talaasuley musharraxiinta kale ee kursiga u tartameysay.

Kursiga Labadaa ayaa waxaa ku tartamay Siciid Cabdi Xuseen oo helay 33 cod  iyo Maryan Axmed Maxamud oo tanaasushay inta aan codeynta la gaarin iskaga hartay tartanka ayaa heshay 2 cod, halka 5 codna ay xumaatay.

Hadaba, waxaa maanta si rasmi ah usoo dhamaaday doorashadii Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Labadii xubnood ee ugu dambeeyay lagu doortay Muqdisho.

Goobjoog News