U bood dhigaalka

Saddex Musharrax Oo Ku Tartameysa Wareegga Labaad Ee Doorashada Guddoomiye Ku-Xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhow lasoo gabagabeeyey doorashada wareegga 1-aad ee guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare, waxaana ku tartamayay 7 musharrax.

52 mudane ayaa codeysay, waxaana codadka loo kala helay sidan

1- Xasan Faarax Xujaale: 1 cod

2- Axmed Xaashi Maxamuud: 1 cod

3- Cabdi Axmed Dhuxulow: 2 cod

4- Abshir Maxamed Axmed: 17 cod

6- Maxamad Axmed Maxamuud: 14 cod

7- C/risaaq Cismaan Cali: 6 cod.

4 Musharrax ee ugu codka sareeya ayaa u soo baxay wareegga Labaad kuwaas oo kala ah, Abshir Maxamed Axmed oo helay 17 cod, Maxamamad Axmed Maxamuud oo helay 14 cod, Cabdi Axmed Dhuxulow.

Waxaa hadda hadal kooban jeediyey C/risaaq Cismaan Cali Jurille oo isagu ka tanaasulay tartanka, waxaana isku soo haray Saddex musharrax oo tartamaya.

Doorashada ayaa weli ah mid socota, waxaana loo gudbi doonaa wareegga Labaad ee doorashada guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale soo aaddan.

Goobjoog News