U bood dhigaalka

Doorashada Kenya 2022: Baaqa Goobjoogayaasha Caalamka iyo Wararka Been Abuurka Ah

Sheeko:Amniga

Khamiistii 11-kii Ogosto, guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa bilaabay in ay xaqiijiyaan natiijadii madaxtinimo ee laga soo doortay 291 deegaan doorasho, iyadoo natiijadii ugu horeysay ay muujineyso in tartan adag uu u dhaxeeyo madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Raila Odinga.

Dhinaca kale, goobjoogayaasha ka kala socday dalalka Bariga Afrika (EAC), urur-goboleedka IGAD, dalalka Barwaaqo-sooranka, Midowga Afrika (AU), suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) iyo Midowga Yurub, ayaa bogaadiyey guddiga doorashada.  kuwaas oo  si habsami leh u gudanaya waajibaadka doorashada, inkasta deegaanada qaar laga soo sheegay in ay jiran kushubasho dhanka natiijada ah .

“Guud ahaan, ergada goobjoogayaasha EAC waxay ku qanacsan yihiin sida ay codbixinta u dhacday,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Tansaaniya Jakaya Kikwete, oo ah madaxa kooxda goobjoogayaasha doorashada Kenya.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan jileyaasha siyaasadda iyo guud ahaan Kenyaanka inay sii wadaan ilaalinta nabadda ka dib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada. Waxaan ka codsanaynaa dhammaanba inay qaataan hababka xalinta nabadda, khilaaf kasta oo ka dhasha doorashada,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mr Jakaya Kikwete.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda goobjoogayaasha gobolku waxay ku baaqeen in la wanaajiyo xidhiidhka u dhexeeya hay’adda doorashada iyo daneeyayaasha siyaasadda ee kala duwan si looga fogaado kalsooni-darrada mustaqbalka.

Warbixinta Midowga Afrika iyo COMESA

Kormeerayaasha AU-da ayaa sheegaya in siyaasiyiinta qaar – iyaga oo aan magacaabin – ay si khaldan u isticmaaleen hantidii qaranka taas oo abuurtay kala shaki dhanka natiijada horudhaca ah sida laga soo wariyay doorashada Kenya.

COMESA iyo AU  waxa ay si wadajir ah uga digeen wax walba oo shaki iyo qalqal gelin kara doorashada natiijadeeda la sugayo ee Kenya.

“Iyadoo ololeyaashu ay badi ahaayeen kuwo nabadeed , hadalada nacaybka, ku takrifalka hantida dawladda, u hoggaansanaan la’aanta jadwalka ololaha” waxay noqonayaan kuwa dhibaatooyin ku ah doorashada”, ayuu yiri Ernest Bai Koroma, oo ah madaxa howlgalka Midowga Afrika iyo madaxweynihii hore ee Sierra Leone.

“Ka qaybgalka dhalinyarada doorashada ayaa walaac ah “Kaliya 39.84% [8.8 milyan] wadarta guud ee codbixiyaasha la diwaangeliyey waxay ahaayeen dhalinyaro, hoos u dhac 5.17% ah marka loo eego tirooyinka 2017,” ayuu yiri Koroma.

Dawlada Dhexe, EU iyo NDI

Xataa iyadoo xaqiijinta iyo tirinta natiijada doorashada ay socoto, ayaa haddana labada nin ee ugu cadcad  Odinga iyo Ruto, waxa ay taageerayaashooda baraha bulshada uga sheegayaan in ay midba midka kale uu guusha dhankiisa ay tahay.

Kormeerayaasha ka socda dalalka Barwaaqo-sooranka ayaa ka digaya in dib u dhaca ku yimid sii deynta natiijadii ugu dambeysay ee madaxweynanimada ay saamaxeyso in warar been abuur ah lagu faafiyo baraha bulshada iyo warbaahinta .

“Daahitaanka ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee doorashada waa walaac hor leh ,” ayuu yiri Bruce Golding, oo ah madaxa kooxda kormeerayaasha dalalka Barwaaqo-sooranka.

Ivan Štefanec, oo ah madaxa kormeeraha EU-da, ayaa sheegay in xorriyadaha aasaasiga ah la ixtiraamo inta lagu guda jiro hawsha codbixinta.

La’aanta qaab-dhismeed dhaqaale oo habboon oo ololaha doorashada ah waxay dhaawacday jawigii ololaha, waxayna abuurtay jawi aad u sareeyo, tanina  waxaa dhibsaday kuwa aan helin dhaqaale, gaar ahaan haweenka, oo kaliya 12% murashaxiinta,” ayuu yiri Štefanec.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in warbaahinta Kenya ay si weyn uga hadashay doorashada, inkastoo qaar ka mid ah warbaahinta ay muujisay sida uu sheegay eex.

Sugidda natiijada

Kormeerayaasha ayaa sheegay in ay go’aamin karaan oo kaliya in codbixinta Salaasadii ay ahayd mid xor ah oo xalaal ah kadib marka lagu dhawaaqo natiijada ugu dambeysa ee codbixinta madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ku booriyeen musharaxa laga guuleystaa, haddii uusan ku qanacsanayn, inuu la yimaado cadeymo sharci oo maxkamad ah oo uu ilaaliyo baaqyada nabadeed.

Goobjoog News