U bood dhigaalka

Doorashada Koonfur Galbeed Oo Mar Kale Dib u Dhacday

Sheeko:Dalka

Dib u dhac kale ayaa ku yimid doorashada madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaalia, oo horey dhowr mar dib loogu dhigay.

Guddiga doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta sheegay in doorashadu dhici doonto 19-ka bishan December.

Doorashadan oo aheyd in la qabto 5-ta bishan ayey guddiga doorashada ee koonfur galbeed sheegeen inay dib ugu dhigeen sababo la xiriira: tababarrada oo wax ka dhimman iyo guddiyada farsamo oo aan dhameystirneyn.

Waa markii 3aad oo si rasmi ah dib loogu dhiso doorasho lagu balansanaa 17-kii November 2018, lama hubo in markan tahay tii ugu dambeysay iyo in lake.

Goobjoog News