U bood dhigaalka

Doorashada Kuraas Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Dib U Dhac Ku Yimid

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid jadwalka doorashada laba iyo toban kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, kuwaas oo lagu waday in magaalada Muqdisho lagu doorto maanta.

Warar ay Goobjoog News  ka heshay guddiga SEIT ee Somaliland ayaa sheegaya in dib u dhaca doorashada maanta uu yimid sababa la xiriira kuraasta qaar oo aan weli la dhameystirin ergadoodii.

Guddiga ayaana sheegay in ay dib ka soo shaacin doonan goorta la qabanayo doorashada kuraastaan ay horay u shaaciyeen.

Dhawaana ayey aheyd markii Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Somaliland ay ku dhawaaqeen in ay isaga baxeen dhamaan doorashooyinkii ka socday dalka kadib fara gelin ay sheegeen in uu ku sameeyay ra’iisul wasaaraha dalka.

Yaa Ku Fadhiyo Hadda Kuraastan Doorashadooda dib loo dhigay?

HOP#260: Faadumo Odowaa Raage ayaa ku Gobollada Waqooyi ku metashay Golaha Shacabka.

HOP#257: Cabdalla Xaaji Cali Axmed ayaa ku fadhiya Baarlamaanka 10aad.

HOP#215: Faatix Saciid Xasan ayaa Somaliland ku metalay Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya.

HOP#267: Saynab Maxamed Caamir ayaa kursigaan ku fadhisa tan iyo sanadkii 2000.

HOP#268: Maxamed Cali Xagaa ayaa ku fadhiya kursigaan.

HOP#269: Waxaa Gobollada Waqooyi ku metalay Maxamed Cabdullaahi Kaamil.

HOP#245: Cabdiraxmaan Axmed Suge ayaa ku fadhiya Kursigaan.

HOP#247: Khadra Maxamed Tukaale ayaa kursigaan ku metashay Somaliland.

HOP#209: Axmed Dhimbil Rooble Casoowe ayaa ku fadhiya.

HOP#211: Caasho Koos Maxamuud Cumar.

HOP#201: Waxaa ku fadhiya Wasiirkii Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

HOP#214: Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ku metalay Somaliland Golaha Shacabka BFS.

Akhriso Jadwalkii Hore ee lagu shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada