U bood dhigaalka

Doorashada Kursi Ka Bannaan Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Dhacaysa Garoowe

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ay ka dhacdo doorashada kursi ka bannaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kursigaan doorashadiisu maanta ay dhacayso ayaa waxaa iska casilay Dhahar Cali Faarax kadib markii loo magacaabay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti.

Xubnaha kurisgan ku tartamaya waxaa ka mid ah wasiirjka wasaradda qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, iyadoo magaaladaasi ku sugan yihiin guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo ay horkacayso guddoomiyaha guddigaasi Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey)

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News