U bood dhigaalka

Doorashada Kursi Kamid Ah Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Dhacaysa Jowhar

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ay ka dhacdo doorashada kursi kamid ah  golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo banaanaa.

Kursigan waxaa u tartami doona Lix musharrax oo ay ku jiraan taliyahii hore ee NISA Sanbaloolshe iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in doorashadan ay maanta dhici doonto.

Xubnaha ku tartamaya kursigan:

1- C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

2- Cali C/llaahi Cosoble

3- Dahir Cabdulle Cawaale

4- Nuur Iidow Beyle

5- Dahabo Xasan Axmed

6- Xuseen Axmed Geelle

Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran waddooyinka qaar ee magaalada Jowhar.

Warkaan  wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News