U bood dhigaalka

Doorashada Madaxweynaha Oo Maanta Ka Dhacaysa Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo ay ku beegan tahay 8-da February 2017, xildhibaannada baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxay dooran doonaan madaxweynaha dalka hoggaamin doona 4-ta sano ee soo socota.

22 musharrax madaxweyne ayaa u taagan xilka madaxweyne, waxaana socota diyaargarowgii ugu dambeeyey ee doorashada.

Doorashada ayaa ka dhici doonta dhisme ku yaalla inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xerada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa aad u adkeeyey amniga guud ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta ay ka dhici doonto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Xubno ka socda beesha caalamka iyo marti sharaf kale ayaa lagu wadaa iney goob joog ka ahaadaan doorashada maanta ka dhici doonta magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News