U bood dhigaalka

Doorashada Masar: Laacibka Maxamed Salaax Oo Helay Hal Milyan Oo Cod

Sheeko:Dalka

Cod-bixiyeenka doorashada madaxtinnimada Masar ayaa sameeyay tallaabo dunida ku cusub, iyaga ka booday murashaxiintii tarmayey doorashada dalkaasi ee  Cabdifitax  Al-Sisi iyo Moussa Mustafa Moussa taa badalkeeda ku qoray warqadda doorashada laacibka Liverpool Maxamed Salaax, Laacibkan ayaa  codadka hallaabay ku helay 1 Milyan oo cod.

Dhinaca kale, Laacibka Maxamed Salaax ayaa goordhow dhaliyay goolkii 29aad ee horyaalka Ingiriiska isaga oo 37 gool ka dhaliyay dhammaan cayaaraha ah.

Laacibkan xagga hore uga cayaara Liverpool iyo xulka Masar, waxaa uu hoggaaminayaa gool dhalinta horyaalka Ingiriiska, waana Laacibkii dhaliyay goosha ay xulkiisa Masar ugu soo baxeen koobka adduunka.

Goobjoog News