U bood dhigaalka

Doorashada Oo La Sheegay Iney Saameysay Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb ayaa been abuur ku tilmaamay warar soo baxaya oo sheegayay in odayaasha qaar ay ka hor yimaadeen sida loo qeybiyay saamiga beelaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Suldaan Axmed Rashiid oo isagu kamid ah ugaasyada mid kamid ah beelaha ku shirsan magaalada Jowhar wuxuu sheegay in ka beel ahaan ay raalli ka yihiin sida loo qeybsaday saamiga oo laga been abuurtay.

Guddiyo baarlamaanka federaalka ka tirsan iyo culumo ayaa shalay tegay hoolka shirka Jowhar kuwaasoo u kuurgalayay xaaladda shirka maamul u sameynta.

Suldaanka  ayaa sheegay in khilaafka ka jira shirka magaalada Jowhar uu ka yimid dhanka magaalada Muqdisho, islamarkaana ay jiraan howlo qabyo ah oo shirka sababaya inaan horay loo sii socodsiin Karin.

Beelaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayuu ugu baaqay inay ka digtoonaadaan siyaasadaha isdiidan ee lagu dabaqayo shirka maamul u sameynta gobolladaasi deriska ah.

Cabashada ugu badan wuxuu Suldaan Axmed Rashiid ka muujiyay diyaargarowga doorashada madaxtinimo iyo midda labada aqal oo iyadu uu sheegay in loo qolo kasta ay doonayso inay wax ku yeelato xildhibaannada gobolladaasi ka imaanaya.

Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo muddo soo jiitamayay ayaa maalinba maalinta xigta dib uga dhacaya, waxaana weli jira in Ugaasyo ku sugan magaalada Baladweyne ay diidan yihiin madasha shirka iyo ka qeyb galkiisaba.

Goobjoog News