U bood dhigaalka

Doorashada Somaliland: Maamulka Oo Shaqaalaha Rayidka Ah Fasaxay 3 Maalmood

Sheeko:Dalka

Kulan ay sabtidii isugu yimaadeen tiro ka mid ah guddida sare ee hay’adda shaqaalaha Somaliland  ayaa lagu shaaciyay wargelinta maalmo fasax ee shaqaalaha maamulka Somaliland, kaas oo  shaqada kaga fasax noqon doonnaan maalmaha Axada, Isniinta iyo Salaasada iyadoona shaqada lagu soo laaban doonno maalinta Arbacda oo bishu noqon doonto 15/11/2017.

Guddoomiyha Hay’adda shaqaalaha Somaliland Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle ayaa hambalyo iyo ammaan u jeediyay shaqaalaha dawladda oo maalimihii 21 casho ahaa uu sheegay in ay muujiyeen hogaansanaan sharci, fuliyeyna Amarkii Madaxweynaha isla markaana dheggo nugul ku dhaqan-gelinta wareegtadii hay’adda shaqaalaha kuwaas oo dhammaan farayey in aanay xubin firfircoon ka dhex noqon loolanka iyo laacdanka siyaasiyiinta – ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) ayaa yidhi; aniga oo tixraacaya dastuurka qaranka qodobkiisa 22aad faqradiisa 2aad waxaan halkan idiinka sheegayaa in aad imika ahaan xaq u leedihiin in aad wax doorataan isla markaana lagu dooran karo “Marka aad shuruudaha codbixinta buuxisaan”.

Goobjoog News