U bood dhigaalka

Madaxweynaha Gambia Oo Diiday In Uu Xilka Wareejiyo, Kuna Baaqay Doorashooyin Cusub

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Gambiya Yaxye Jaamac ayaa jimcihii waxaa uu diiday natiijada doorashada madaxtinimada dalkaasi ee looga adkaaday.
Madaxweyne Yaxye waxaa uu todobaadkii hore sheegay in laga adkaaday isla markaana uu xilka ku wareejin doono Adam Barow, oo ah murashaxa ka guuleystay, arrintaas oo sida muuqata uu hadda iska diiday.
Jaamac oo ka hadlayey Teleshinki qaranka waxaa uu sheegay in baariraan kadib u soo baxday in uu iska diido natiijada doorashada isagoo intaa raaciyay in ay ka dhaceen xadgudubyo badan.

Madaxweyne Jaamac waxaa uu ku baaqay in la qabto doorashooyin cusub oo weliba madaxbanaan, taasi oo meesha ka saareysa doorashadii uu natiijadeeda horay u aqbalay.
Madaxweynaha Gambiya ayaa waxaa uu talada hayey in ka badan 22 sano, go’aankan waa mid kale oo ka mid ah go’aannadii adkaa ee looga bartay 22-kii sano ee la soo dhaafay.

Goobjoog News