U bood dhigaalka

Doorashada Tigrayga: 2.7 Milyan oo Ka Codeynaya Doorasho Aanu Raalli Ka Aheyn Abiy Axmed

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada ee gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigrayga ayaa maanta u dhaqaaqaya doorasho deegaanka ka dhacdo.

“Codbixinta waxaa ay u dhaceysaa sidii loogu talogalay, mana fileyno in dowladda dhexe ay nooga timaado wax faragelin ah” sidaasi waxaa yiri Muluwork Kidanemariam, oo ah madaxa guddiga doorashada ee gobolka.

Gobolka ay doorashada ka dhaceysa, lana filayo iney codeeyaan ilaa 2.7 Milyan codbixiyeyaal ah ayaa la adkeeyey amniga.

Waxaa gobolka isku heysta ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo siyaasiyiin ka dambeeya maamulkii hore taasi oo keentay iney iskood doorasho u galaan.

Dowladda dhexe ayaa dhowr jeer doorashada dib u dhigtay, kuna sababeysay Covid 19, laakin waxaa muuqata in gobolka Tigrayga ay go’aan gaareen, iskana diideen iney sugaan doorasho iyo waqti kale oo ay soo qabato dowladda Abiy Axmed.

Goobjoog News