U bood dhigaalka

Doorashada Turkiga: Xisbiga Erdogan oo ku Guul-darreystay Aqlabiyadda Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Xisbiga talada haya Turkiga ee AKP ayaa ku guul-dareystay Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Turkiga, taas uu hormuud ka ahaa muddo 13 sano ah.

Xisbiga Erdogan ayaa helay 41%, Madaxweyne Erdogan ayey guul darran uga dhigan tahay in aanu Dastuurka dalka waxba ka badali Karin iyo in uusan isa siin Karin awoodo dheeraad ah.

Madaxweynaha Turkiga ayaa 2003-dii, dalkaas ka noqday Ras;iul wasaare kadib markii Xisbigiisa AKP helay Aqlabiyadda Baarlamaanka, waxaa uu hadda raadinayey in uu ku guuleysto 3 meel labo, si uu dastuurka wax uga badalo iyo in dalkaas uu ka guuro nidaamka Baarlamaaniga.

Xisbiga  pro-Kurdish-ka ah ee  HDP ayaa ka kormaray 10% doorashada iyagoo balan qaaday in aanay xukuumad wadaag la gali doonin Xisbiga Erdogan.

Dadka Siyaasadda wax qora waxaa ay leeyhiin, Dalka Turkiga weli waxaa ku xoog badan Calmaaniyiinta iyo dadka diiday in Turkiga isku badalo nidaam Islaami ah.