U bood dhigaalka

Doorashada Xubnihii U Dambeeyay Ee Aqalka Sare Galmudug Oo Maanta La Soo Gebagebeeyay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta magaalada Cadaado lagu soo gabegebeeyay doorashadii aqalka sare ee xubnaha Galmudug kuwaasoo gaaraya siddeed xubin.

Doorashada oo shalay billaabatay ayaa maanta la soo afjaray kadib markii la doortay xubnihii ugu dambeeyay  waxaana maanta lagu soo doortay xubno gaaraya illaa seddex oo mid kamid ah ay tahay haween.

Qeybta hore ee doorashada waxaa ku tartamay kamid noqoshada aqalka sare ee Galmudug ka imaanaya Jawaahir Axmed Cilmi, Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo ENG. Maxamuud Maxamed waxaana 51 cod ku guuleysatay Jawaahir Cilmi oo lagu dhawaaqay inay kamid noqotay aqalka sare ee Galmudug.

Qeybta kale ayaa waxaa isku arkay Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, Aamina Cali Maxamed iyo Maxamuud Maxamed Duraan  waxaana soo baxay Cabdiwaaxid Goonjeex oo helay 64 Cod.

Qeybtii u dambeysay ayaa waxaa Abuukar Axmed Xaashi loo doortay kamid noqoshada aqalka sare ee Galmudug kadib markii uu la tartamay Macallin Cumar Sheekh Ciise.

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa shalay oo doorashada ay soo billaabatay waxay doorteen shan xubin oo aqalka sare kamid ah.

Goobjoog News