U bood dhigaalka

Doorashadii Jowhar Oo U Hakatay Kuraas Lagu Muransan Yahay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta hakad ku jira doorashadii aqalka hoose ee magaalada Jowhar ka socotay taasoo maraysa meel gebogebo ah.

Magaalada Jowhar ayaa lagu doortay illaa 36 xildhibaan waxaana dhiman tartanka labo kursi.

Warar ay heleyso Goobjoog News magaalada Jowhar waxay sheegayaan in kuraastani uu muran ka jiro, mid kamid ah kuraastaasi waxaa hadda ka hor ka dhashay qalalaase ay dadi ku dhaawacmeen kadib markii sida la sheegay wasiirka dhallinyarada Maxamed Cabdullaahi Nuux ilaaladiisa iyo ilaalada xarunta doorashada ay isku dhaceen.

Kursiga labaad ayaa wariyaha Goobjoog News ee Jowhar uu ku sheegay inuu yahay mid laga soo wareejiyay gobolka Banaadir kaasi oo isna khilaaf uu ka jiro.

Guddiga doorashada heer gobol ee magaalada Jowhar ayaa weli wax faahfaahin ah ka bixin sababta keentay dib u dhaca maanta ku yimid doorashada aqalka hoose ee Hirshabeelle.

Dhanka kale, wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa iyana ku warramaya in doorashada aqalka hoose aynaan ka socon maanta.

Guddiga doorashada e Galmudug oo aan isku daynay inaan wax ka weydiinno waa ay ka gaabsadeen ka hadalka arrimahani.

Doorashooyinka Galmudug iyo Hirshabeelle ee aqalka hoose ayaa maraya meel gebogebo ah.

Goobjoog News