U bood dhigaalka

Doorashadii Baarlamaanka Somaliland oo Markii 5aad Dib U Dhacday

Sheeko:Dalka

Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dib u dhacday doorashadii baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo la filayay in ay dhacdo 27-ka bisha March ee sannadka 2019ka.

Gudoomiyaha guddidaasi Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay ka hor yimaadeen caqabado ay kamid yihiin Xisbiga Waddani oo kalsoonidii kala noqday, diiwaangalintii codbixiyeyaasha oo aan weli la bilaabin.

Wuxuu sheegay Cabdiqaadir Iimaan Warsame in hawlaha guddida u yaallaa qaadan karaan muddo ku siman toban bilood, hase ahaatee muu sheegin wakhtiga danbe ee la qaban doono.

Waa markii shanaad ee ay dib u dhacdo doorashada baarlamaanka Somaliland, iyadoo baarlamaanka Somaliland la doortay sannadkii 2005tii.

Halkan ka akhriso shanta jeer ee ay dib u dhacday doorashada Baarlamaanka Somaliland;

  1. 30. 2010 — June.30. 2013
  2. 30. 2013 — Feberuary.27.2015
  3. 27.2015 — October.27. 2017
  4. 27. 2017 — March.27.2019
  5. 2019—-Lama garanayo.