U bood dhigaalka

Doorasho Maanta Ka Dhaceysa Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Sida qorshaha uu yahay, maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud lagu qabto doorashada kursigii ugu dambeeyey ee ka bannaanaa golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursigan loo tartamayo maanta, waxaa ka geeriyoodey Bootaan Ciise, waxaana maanta ku tartami doona musharraxiinta kala ah:

1- C/laahi Faarax Wehliye

2- Maxamed Cilmi Afraxa (Mideeye)

Waxaa Dhuusamareeb ka soconeysa diyaar garowga doorashada, iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin ergadii wax dooran lahayd iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

Waxaa horey oo doortay Saddex kursi oo ka bannaaeyd golaha shacabka, waxayna doorashooyinkooda ka kala dhaceen magaalooyinka Jowhar, Muqdisho iyo Kismaayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News