U bood dhigaalka

Doorashooyinka Jowhar Oo Maalintii Labaad Hakad Ku Jira

Sheeko:Dalka

Waxaa maalintii Labaad hakad ku jira doorashada aqalka hoose ee magaalada Jowhar kadib markii ay soo baxeen muranno ku saabsan kuraasta lagu tartamayo qaarkood.

Hakinta doorashadan ayaa timid kadib markii qaar kamid ah beelaha wax ku dooranaya magaalada Jowhar ay ku murmeen hannaanka doorashada iyo sida ay wax u wadaagi lahaayeen.

Wariyaasheenna gobolka Shabellaha dhexe ayaa soo sheegaya in madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble iyo guddiga doorashada heer Federaal ay soo dhexgaleen khilaafka ku aadan kuraasta aan weli la dooran qaarkood.

Guddiga doorashada ayaa laga soo xigtay in la hakinayo doorashada aqalka hoose ee Jowhar inta laga soo xalinayo khilaafyada jira.

Maamulka Hirshabelle oo ah maamulkii ugu dambeeyey ee ay hirgeliso dowladda Federaalka ayaa si dar dar ah kusoo doortay xubnaha aqalka sare iyo qaar kamid ah xubnaha qalka hoose.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News