U bood dhigaalka

Doorka Dhallinyarada Ee Doorashooyinka Dalka

Sheeko:Dalka

Dhallinyarada Soomaaliyeed sanadkan waa kuwa dedaal badan geliyay sidii ay kaalin muuqata ay uga gali la’haayeen Hanaanka Doorashada ee sanadkan 2016  madaama Tirada 51 qof ee codeyneysa  dhallinyarada ku leeyihiin 10 qof  iyadoo ay dhallinyarada u arkaan tiradaas mid aad u yar.

Waxaa jira dhallinyaro badan oo tagay Gobollada dalka si ay uga mid noqdaan ergooyinka  doorashada, kuwa kalena waxay doonayaan inay ka mid noqdaan xildhibaannada cusub ee baarlamaanka federaalka.

Xasan Axmed Shire oo ka mid ah dhallinta daedaalkan qeybta ka ah ayaa u sheegay Goobjoog News, inay dhallinyarada Soomaaliyeed sameeyeen isbedel weyn oo dhan walbo ah”

“Dhallinyarada waxay doonayaan inay ka mid noqdaan isbedelka dalka Ka dhacaya waxayna Ku tala Jiraan inay siyaasadda kaalin wanaagsan Ka ciyaaraan taasi oo kamid ah hammiga dhallinta, waxaana raja wanaagsan ay ka qabaan iney wax kusoo kordhiyaan wadanka”

Dhinaca kale dhallinyarada waxa ay tartan kula jiraan Odayaasha iyagoo meel walba xaqiijinaya tirada ay ku leeyihiin.

Muno Xashi Shaaciye waxaa ay dooneysaa inay ka mid noqoto ergooyinka doorashada, waxa ay ka sheekeyneysaa hammiga dhallinyarada sanadkan iyo waxa uga suurtagalay

“Dhallinyaro badan ayaa ku sugan gobollada dalka waxayna u taagan yihiin sidii ay uga soo bixi lahaayeen kaalintooda, magaalada aan joogo waxaa ku sugan dhallinyaro gabdho iyo wiilal leh kuwaasi oo tartan kula jira odayaasha” ayeey tiri Muna.

Dhanka kale odayaasha dhaqanka  waxay  u arkaan dadaalka dhallinyarada mid loo baahan yahay, haddii ay usoo jeestaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha dalka.

Nabadoon Faarax Raage Shuuriye oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa xusay in dhallinta waxbaratay ay soo dhaweynayaan si ay kaalintooda u muujiyaan

“Dhallinyarada waxaa lagu tirin jiray in looga faa’ideysto colaadda, laakiin hadda waxa ay wax usoo barteen wax ka bedelka dalka, waana soo dhaweyneynaa inay ku biiraan dowladda cusub ee la dhisayo”

Waxaa jira dhallinyaro badan oo jecel siyaasadda, hammigoodana uu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen maamulka dalka, inkastoo caqabado ay jiraan dhallinyarada ka hor taagan inay gaaraan hadafka ugu weyn ee ay ka leeyihiin ka mid noqoshada hanaanka maamulka ee dalka.

W/D: C/wahaab Maxamed Ibraahim

Goobjoog News