U bood dhigaalka

Dowlad African ah oo Magacowday Wasaaradda Facebook iyo WatsApp-ka

Dowladda Zimbabwe ayaa ku dhawaaqday in la sameeyay wasaarad cusub oo ammaanka electronic-ga ah si looga hortago weerarrada digital ka ah, laakiin muwaadiniinta ayaa sheegaya iney tahay wasaaradda lagu baacsanayo dadka adeegsda Facebook iyo WhatsApp.

Sida uu qoray website-ka QUARTZ , madaxweyne Robert Mugabe ayaa sheegay in muhiimadda wasaaraddu tahay in lagu dabo ‘Jiirka’ dhibaatada u geysanaya ammaanka internentka.

Dadka reer Zimbabwe ayaa sheegaya in wasaaraddu ay si gaar ah isha ugu haynayso dadka adeegsada Facebook iyo WatasApp, iyadoo cabsi laga muujinayo in xorriyadda ra’yiga iyo in macluumaad la helayaal ay hadhow adkaan doonaan. Iyadoo qaanuunka ammaanka Internetka dalkaas dunida oo dhan laga cambaareeyay. Waana sida ay sheegayso Sky News oo warbixin ka sameysay.

Xukuumadda Zimbabwe ayaa comentiga shacabka ay ka bixiyaan dhanka baraha bulshada u aragta sidii qodax ku mudan oo kale, iyadoo Mugabe oo  93 jir ah uu gacan bir ah ku hayo dalkaas laga soo bilaabo 1980-kii.