U bood dhigaalka

Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Hirshabeelle oo Kulamo Ku Leh Feerfeer

Sheeko:Amniga

Waxaa deegaanka Feerfeer ee xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dalka Itoobiya,  ka socda kulamo lagu xalinaayo colaad dhowaan ka soo cusbaanatay,  deegaanka Abaaleey oo dhaca xadka gobolka uu la wadaago dalka Itoobiya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galayo odayaal dhaqameedka labada dhibnac, wakiillo ka socda dowlad goboleedka Hirshabeelle, iyo mas’ uulyiin uu hor kacaayo, guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Labada dhinac ayaa dhowaan kulan ku soo qaatay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan , waxaana la isku soo raacay in laga wada shaqeeyo nabad galyada deegaannada xadka, waxaana lagu wadaa in ay wadajir ay soo saaraan war-murtiyeed ay ku cadeynayaan hiiska ay isku afgarteen, kadib dilalkii dhowaan ka dhacay deegaanka Abaaleey.

Goobjoog News