U bood dhigaalka

Dowlad Gobaleedka Galmudug Oo Amar Ku Soo Rogay Dadka Magalada Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

War ka soo baxay Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa amar la dul-dhigay dadka ku nool Magalada Gaalkacyo, kaas oo la xiriira dhinaca Amniga.

Amarkaan ayaa sigaar ah loo faray dadka ku nool Magalada Gaalkacyo,waxaana lagu amray inay is diiwaangeliyaan dadka hubka ku dhex heysta Magalada, isla markaana an ka tirsaneyn Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Sidoo kale waxaa la sheegay in cid alaala cidii qaadan weysa Amar kasoo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan

Maalmihii lasoo dhaafay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa socdaal ku joogay Gobolka mudug kuwaas oo kulamo kala duwan la qaadanayay Maamulka Gobolka kan Degmada iyo Saraakiisha Booliiska si loo xoojiyo Amaanka iyo Xasiloonisa guud ee Gobolka mudug.

Halkaan Akhriso wareegtada

 

Goobjoog News