U bood dhigaalka

Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle oo Soo Dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Cusub

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed ay saareen dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa lagu soo dhaweeyay Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Wadaxweyne Farmaajo uu maanta u magacaabay xilkaas.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble oo la hadlay warbaahinta Dowaladda ayaa si weyn u amaaney ra’isul wasaaraha cusub oo uu ku tilmaamay shakhis waddani ah xilka loo igmadayna u qalma, waxa uu rajo ka muujiyay inuu dalka u horseedi karo nabad iyo xasillooni.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble, waxa uu baarlamaanka ka codsaday iney ansixiyaan:

“Anigoo  marka hore ka faa’idaysanaya  fursadani waxaan hambalyo u dirayaa Ra’iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, waxaan sidoo kale ku boorinayaa shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan iney u soo duceeyaan, oo garab istaagaan madaxdooda, niyadana u dhisaan, Baarlamaankana waxaan ka codsanaynaa in ay ansixiyaan ra’iisul wasaaraha si uu u sii wado howlaha horyaalla.”.

Galmudug

Dhanka kale, War-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu soo dhaweeyay magacaabista ra’isul wasaaraha cusub ee Xasan Cali Kheyre, waxaanuu u qornaa sidan:

 

galmudug

Madaxaweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay ra’isul wasaarihiisa cusub oo uu u xushay Xasan Cali Kheyre.

Goobjoog News