U bood dhigaalka

Dowlad Goboleedyada Oo Shuruudo Adag Ku Xiray Wadahadalka Xukuumadda Muqdisho (Akhriso)

Sheeko:Dalka

Gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa shuruudo adag ku xiray ka qeyb galka shirweynaha Muqdisho oo uu kal hore iclaamiyay madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madasha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta oo Jimco ahayd warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ku caddeeyay  inay qaadaceen shirka gollaha amniga ee ka furmaya 17-ka bishani magaalada Muqdisho.

Warmurtiyadeedka uu gollaha soo saaray oo ka kooban shan qodob ayaa waxay madaxweynayaasha maamullada dalka shuruudo ku xireen wadahadalka dowladda ee lagu dhammeystirayo khilaafyada siyaasadeed ee ka dhex aloosan labada dhinac.

Sharuudaha oo badan ayaa waxaa kamid ah in Madaxtooyada Soomaaliya ay joojiso faragallin ay tilmaameen in ay ku heyso arrimaha dowlad goboleedyada iyo in la helo cid seddexaad oo dhexdhexaad ah islamarkaana damaanad qaada arrimaha xukuumadda Muqdisho iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ku heshiiyaan.

Maadxweynayaasha shanta ah ee Cabdiwali Cali Gaas, Axmed Ducaalle Xaaf, Maxamed Cabdi Waare, Shariif Xasan iyo Axmed Islaam Madoobe ayaa dhanka kale dalbaday in la isla meeldhigo meesha uu wadahadalka dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Farmaajo kula galayaan sababo amni awgood, iyo in la damaanad qaado amnigooda, haddii Muqdisho la isku raaco.

Hoos Ka Akhriso Warmurtiyadeedka Gollaha Iskaashiga:

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada