U bood dhigaalka

Dowladaha Soomaaliya Iyo Cumaan Oo Iska Kaashanaya Xiriir Ganacsi

Sheeko:Dalka

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya eng Cabdullaahi Cali ayaa Magaalada Musqat kula kulmay dhiggiisa Dalka Cumaan, Ali bin Mascuud Al-Sanadi, waxa ayna labada masuul kawada hadleen heshiis cusub.

Wasiirka oo ay wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo rugta ganacsiga Soomaaliya, ayaa madaxdii ay la kulmeen waxay kala hadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsiga soo-jireenka ah ee u dhaxeeya labada Waddan, gaar ahaan dhanka Xoolaha.

Labada dhinac ayaa waxay isku raaceen in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada Xoolaha si looggu dhoofiyo Suuqyada Gobalka iyo kuwa Caalamka.

Labada masuul ayaa waxa ay sidoo kale ka wada hadleen in la helo is-Afgarad u dhaxeeya labada Wasaaradood oo la xiriira arrimaha ganacsiga iyo Warshadaha, isla markaana la sameeyo Guddi farsamo oo ka shaqeeya sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka ganacsi ee labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojinaysa iskaashiga ay la sameynayso wadamada Caalamka

Goobjoog News