U bood dhigaalka

Dowladaha Soomaaliya Iyo Hidiya Oo Arimo Muhiim Ah Ka Shiray (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda India Hon. General (Retd) Vijay Kumar Singh oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeya .

Wasiir Dr. Abdusalam H. Omer ayaa ka sheekeeyay horumarka uu gaaray xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya kala dhaxeeya dalka India, kaasoo ku qotama dhinacyo badan .

Waxa uu sidoo kale xusay hanaanka iyo isbadalka siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Soomaaliya ay gaartay sanadihii ugu dambeeyay , isagoo muujiyay in Soomaaliya u baahan tahay kaalin horumarineed oo ka qeyb qaadata dib u dhiska iyo maalgashiga.

Dhankiisa , Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda India Hon.Gen.(Retd) V.K.Singh wuxuu farxad iyo guul ku tilmaamay booqashadiisa caasimadda Muqdisho , isagoo xusay in dalkiisu ku faanayo xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Soomaaliya .

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda India oo saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho , ayna ka qeyb yihiin diblomaasiyiin uu ka mid yahay Safiirka India u qaabilsan wadamada Kenya iyo Soomaaliya Mr. Yogeshwar Varma ayaa waxaa dalka ku soo dhoweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Khaled Omar Ali.

Waxaa xusid mudan in xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda India uu si rasmi ah u bilowday bilowgii sanadkii 1961 , mudadaas kahor waxaa xiriir isdhaafsi ganacsi ka dhaxeeyay labada shacab oo doomaha shiraaca leh dhanka badweynta India isku weydaarsan jiray dharka,sokorta, xoolaha nool iyo dhirta laga sameeyo waxyaabaha udugga iyo carafta leh.

DHAMAAD

Hoos Ka Daawo Sawirada

D6 D5 D4 D3 D2 D1