U bood dhigaalka

Dowladaha Soomaaliya Iyo India Oo Heshiis ku kala Saxiixday New Delhi.

Sheeko:Dalka

Heshiiskani wuxuu u saamaxayaa Dowladda Soomaaliya in iyada lagu soo wareejiyo 118 maxbuus oo loo heysto dembiyo la xiriira burcad badeed oo hadda ku jira xabsiga Taloja ee magaalada Mumbai ee dalka India ka dib marka uu xukun ku dhaco.

Heshiiskaasi wuxuu qorayaa in maxaabbiistaasi ay xukunka ku dhammeystaan dalkooda si ay ehelkooda iyo saaxiibbadood ay u soo booqan karaan.

Midkii raba in xukunkiisa dib u eegis lagu sameeyo sida uu heshiisku qorayo waxaa go’aanka dib u eegista leh Dowladda India.

Laakiin haddana waxaa uu heshiisku qorayaa in labada Dowladooda ee Soomaaliya iyo India ay mid kastaa iskeed cafis ugu fidin karo maxaabbiista iyada oo waafijneysa shuruucda dalkeeda.

Maxaabbiista Soomaaliyeed ee India ku xiran oo dacwaddooda la qaaday, waxaa la filayaa 15-ka ugu horreeya in Maxkamad ku taalla Mumbai ay berri ku dhawaaqi doonto xukunkooda.

Yusuf Garaad, wasiirka arrimaha dibadda iyo xubnaha kale ee wafdiga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir iyo mas’uuliyiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ka mid tahay Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi, Ebyan Maxamed Saalax (Ebyan Ladane) berri ayaa u amba bixi doonnaa magaalada Mumbai.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf ayaa fagaare Madaxweynaha Qaranku fadhiyo ku ballan qaaday in uu bixin doono kharashka dayaaradda lagu soo celinayo Maxaabbiista  haddii ay Dowladdu ku guuleysato in ay India ka soo deyso.

Goobjoog News