U bood dhigaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo Ka Wadahadlay Furitaanka Xuduudda Labada Dal

Sheeko:Amniga
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay furista xaduudaha ay labada dal wadaagaan, kadib shir heerkiisu uu sareeyo oo u dhaxeeyay mas’uuliyiin labada dowladood ah, kuwaas oo heer wasiirro ka kooban oo laba dowladood ah.
Shirkaan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay wasiirada arrimaha dibadda, Gaashaandhigga iyo Amniga, halka dhanka Kenya ay dhankooda uga qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga iyo i, Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Kenya.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga iyo amniga xuduudaha labada dal iyadoo lagu heshiiyay in si tartiib tartiib ah dib loogu furo xadka muddo 90 maalmood gudahood ah, shacabka Soomaaliyeed ayaa dhibaato ku qabay gudbitaanka Xadka.
Goobjoog News