U bood dhigaalka

Dowladaha Soomaaliya Iyo Rwanda Oo Heshiis Kala Saxiixday

Sheeko:Dalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa kala saxiixday heshiis dhinaca duulimaadyada kaas oo sare u qaadaya hormarka labada dhinac, waxaana heshiiskaan uu xoojin doona ganacsiga labada dowladood.

Heshiiskan ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u saxiixay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar halka Rwanda uu u saxiixay wasiirka kaabayaasha dalkaasi ee Claver Gatete.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo heshiiskan islamrkaanka uu yahay mid hormar ku soo kordhin kara dalka isaga oo ka dhawaajiyay in ganacsiga labada dalna uu xoojin doono.

“Waxaan maanta la soo saxiixannay dowladda Rwanda heshiis labageesood ah oo xagga duulimaadka rayidka. Heshiiskan waxuu isu furayaa duulimaadyada tooska ah ee labada dal, taas oo ganacsiga labada waddan kor u qaadi doonto. Aniga iyo Wasiir Claver Gatete waxaa ina wehliya Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin iyo dhiggiisa Mr. Silas Udahem” ayuu yiri wasiir Oomaar.

Heshiiskan ayaa noqonaya mid suurta galin doona in duulimaadyo toosa ay isaga kala gooshaan Soomaaliya iyo Rwanda.

Goobjoog News