U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Dhaawacyo U Qaaddey Dalka Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Afar iyo toban (14) bukaan oo qaba dhaawacyo kala duwan kuna waxyeelloobay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa maanta laga ambaba bixiyay magaalada Muqadisho waxaana lagu wadaa in la geeyo dalka Sacuudiga si xaaladdooda caafimaad wax looga qabto .

Guddi uu u magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre in tiro koob iyo qiimeyn ay ku sameeyaan dhaawacyada kala duwan ee ku jira Isbitaallada ayaa soo xulay Afar iyo Tobankaan qof, kuwaas oo laga kala keenay Saddex Isbitaal oo ku yaalla magaalada Muqadisho.

Dr Maxamed Yuusuf, agaasimaha Isbitaalka Madiina xubinna ka ah guddiga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu u magacaabay  in ay qiimeyn ku sameeyaan sida ay u kala liitaan xaaladda caafimaad ee dadka ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho ayaa sharaxay tirada la qaadayo iyo qaababka lagu xushay.

“Isbitaalka Madiina waxaa ila jooga guddi uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha oo ahaa in aan soo wada xubno bukaanno aan ku sameynay baaritaanno kulligood waxayna u badanyihiin dhaawacooda qarax iyo xabad aan dalka lagu daaweyn karin, dadkii waan soo aruurinnay muddo ayay Ispitaalka jiifeyn maanta waxaa loo qaadayaa dowladda Sacuudiga”.

Dhanka kale maamulka Isbitaalka Madiina ayaa waxa uu sheegay in ay soo hagaageyso xaaladda dadka bukaanka ah kuwaas oo ku jira Isbitaalka .

Duniyo Cali Maxamed oo ah madaxa caafimaadka Isbitaalka Madiina ayaa waxay sheegtay in ay wadaan dadaallo lagula tacaalayo dadka qaba dhaawacyada ee ku jira Ispitaalka Madiina iyada oo rajo ka muujisay in ay caafimaadaan.

Goobjoog News