U bood dhigaalka

Dowladda Australia Oo Kaalmo Bani’aadanimo Siineysa DalalKa Ay Abaaraha Ka Jiraan

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Australia Julie Bishop ayaa sheegtay in dalkeeda uu siinayo  14.3 malyuun oo kaalmo ah qaar ka mid ah dalalka Africa oo ay ka jiraan dagaallada iyo abaaraha.

Hadal ay sheegtay wasiirka ayaa waxay ku sheegaty in kaalmadaan ay iskugu jirto cunto adeegyada caafimaada, biyo iyo qalabka nadaafadda, iyada oo intaa ku dartay in kaalmadaan la siin doono wadamada Koofurta Suudaan, Ugandha Nageria iyo Kenya.

Isku duwaha xafiiska arrimaha bani’aadanimada ee qaramada iyo Hay’adda IOM ayaa waxay sheegeen in bilowga bishaan in ka badan 20 milyan oo qof inay qarka u saaranyihiin inay u dhintaan Macluul.

Iskuduwaha ayaa sheegay in dadkaan ay ku noolyihiin  wadamada Somalia, Nageria, Koofurta Suudaan isagoo tilmaamay in loo baahanyahay 4.4 milyaar oo doolarka Mareykanka ah si looga hortago ayuu yiri inay dhacdo dhibaato.

Kaalmada ban’aadanimo oo dowladda Australia ay siisay Africa ayaa waxay gaareysaa ku dhawaad 50 millayan oo doolarka mareykanka ah.

Goobjoog News