U bood dhigaalka

Dowladda Canada Oo Ka Qeyb Galeysa Shirka Soomaaliya Ee Istanbul

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Canada Dion ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo shirka heerka sare ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya Istanbul.

Shirka waxaa kuu qeyb ka yahay shirar tixane ah oo loogu talo galay dib u dhiska Soomaaliya, waxaa kaloo looga hadlayaa natiijadii shirkii doorahsooyinka ee Soomalaiya ee lagu go’aamiyay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo noqon doona mid heer wasiir ama waxa loo yaqaano “ministerial meeting” waxaa ay Canada ku jirtaa wadamada taageero u fidinaya arrimaha Soomaaliya.

Caqabadaha ugu daran ee dowladda Federaakja heysta waa dagaalka ay kula jiro Al-shabaab iyo Ciidamo AMISOM oo aan weli la iman istaraatiijiyad ay dowladda isku ballaariso.

Goobjoog News