U bood dhigaalka

Dowladda Ciraaq Oo Daacish Hordhigtay Iney Qaataan Labo Arrin Midkood

Sheeko:Dalka

Ciidamada Ciraaq ayaa waxay bilaabeen hawlgal Millatari kaasi oo dib ugu soo ceshanayaan magaalada Tal Afar, taasi oo ah magaalo weyn oo ay gacanta ku hayaan ururka Daacish.

Ra’iisulwasaaraha Ciraaq Haider al-Abadi oo hadal ka jeediyay Telefishinka ayaa waxaa sheegay in uu bilowday hawlgalka,isaga oo tilmaamay in kooxaha hubeysan ee ku sugan magaalada ay heystaan labo qiyaar oo ah in ay isa soo dhiibaan iyo in ay dhintaan.

Ciidamada Ciraaq ayaa hadda waxay beegsanayaan magaalada Tal Afar,ka dib markii ay u suurto gashay in ay xoreeyaan magaalada Mosul.

Magaalada Tal Afar oo inta badan dadka degan ay yihiin Shiico ayaa waxay soo gashay gacanta ururka Daacish sanadkii 2014 kii.

Magaalada ayaa waxay ku taallaa wadada isku xirta Mosul iyo xadka Siiriya,taasi oo Daacish u aheyd qad muhiim u ah dhanka gurmadka.

Hogaamiye ka tirsan ciidamada Ciraaq ayaa waxaa uu sheegay in magaalada ay ku suganyihiin ciidamo dhan 1500-2000 oo Daacish ah.

Waxaa la aaminsanyahay in magaalada ay ku hareen dad yar oo shacab ah, ka dib markii ay is kaga baxeen 49 kun oo ka mid ahaa dadka deegaanka.