U bood dhigaalka

Dowladda Ciraaq oo deeq waxbarasho ugu deeqday Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Ciraaq ayaa deeq waxbarasho  u fidisay qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dugsiyada iyo jaamacadaha dalka.

Hadalkan maanta oo Talaado ah waxaa sheegay wasiir ku xigeenka wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Kulan.

Wasiir ku xigeenka ayaa daboolka ka qaaday in 352 arday ay deeqdan ka faa’ideysan doonaan kuwaas oo ku nool buu yiri dhammaan gobolada dalka.

“ Deeqaha waxbarasho ee aan ka helnay dowladda aan walaalaha nahay ee Ciraaq waxa ay isugu jiraan saddexda heer ee jaamacadeed oo kala ah degree, master iyo phd.” Ayuu yiri Maxamed Axmed Kulan.

Ugu dambeyn waxa uu u mahad celiyay shacabka iyo dowladda Ciraaq isla markaana waxa uu tilmaamay in ay deeqahan ku maamuli doonaan si cadaalad ah oo ay u xil saareen guddi qaabilsan deeqaha waxbarashada.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa deeqo waxbarasho ka hesha dalal fara badan oo Soomaaliya ka caawiya dhinacyo badan sida Turkiga,Suudaan, Yeman, Masar iyo kuwa kale.